daajis.com:- Nin la sheegay in uu ka soo jeedo dalka Afgahanisatan oo qaxooti ahaan ugu sugnaa dalka Jarmalka ayaa In ka badan 20 qof ku dhaawacay tareen uu saarnaa.
Wiilka dadka faaska ku weeraray ayaa tareen isaga kala gooshayey magaalooyinka Wurzburg-Heidingsfeld iyo Ochsenfurt oo ku yaala bartamaha dalka Jarmalka.
Sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Gobolka Bavaria, ninka weerarka geystay ayaa ahaa 17 jir u dhashay dalka Afqaanistan waxa uuna ku dhawaaqayay ereyada “Allaahu Akbar” markii uu dadka weerarayay.
Hawlgal balaaran ayey Boolisku ka wadaan goobtii uu shilka ka dhacay, waxaana iminka xiran khadkii tareemada ee isku xirayay degmooyinka Ochsenfurt iyo Würzburg waa la xiray.
Afhayeen u hadlay Booliska ayaa sheegay in sadex qof uu soo gaaray dhaawac halis ah, waxaana la sheegay in ninkani uu ku hubaysnaa mindi yo Faas.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Gobolka Bavaria oo isagana ka hadlay arintani ayaa sheegay in ciidanka booliska ay toogteen ninkii weerarka geystay kadib markii uu isku deyey inuu baxsado.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 21:00 and have
, Published at