Wafdi ka socda Ururka IGAD oo Gaaray Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan

Wafdi ka socda Ururka IGAD oo Gaaray Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan

daajis.com:- Wakiilka Urur Goboleedka IGAD ee arrimaha Soomaaliya Maxamed Cabdi Afeey iyo wafdi uu hogaaminayo oo uu ku jiro Gen. Gabre oo ka mid ah Mas’uuliyiinta IGAD ayaa gaaray Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Wafdiga ayaa Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif waxaa ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada AMISOM.

Wafdiga ayaa hadda Kulan uu Albaabadu u xiran yahay waxaa ay la leeyihiin Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ka mid ah Dadka sida weyn uga soo horjeeda Shirka Maamulka loogu sameynayo Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.
Urur Goboleedka IGAD ayaa doonaya in ay xal ka gaaraan arrimaha shirka maamulka loogu sameynayo Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada