Wasiirka Warfaafinta oo ku Baaqay in Mooto Bajaajta Laga Joojiyo Muqdisho (VIDEO)

Wasiirka Warfaafinta oo ku Baaqay in Mooto Bajaajta Laga Joojiyo Muqdisho (VIDEO)

daajis.com:- Wasiirka Warfaafinta ee dowladda federaalka ee Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo maanta Warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu qabo in Magaalada Muqdisho laga Mamnuuco Mootooyinka loo yaqaan Bajaajka ee sanadihii dambe ku soo badanayay caasimadda Muqdisho qeybna ka qaatay hormarka Muqdisho iyo Shaqo Abuur ay ka heleen Dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed.

Wasiir Maareeye ayaa intaa ku daray in Mootooyinkaasi ay wax u dhimayaan Bilicda Magaalada Muqdisho,balse loo baahan yahay si aysan wax ugu dhimin Bilicda in loo Cayimo Meelo gaar ah.


Hadalkan ka soo yeeray wasiirka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa waxaa ka soo horjeestay Wadeyaasha Mootoyinka Bajaajka iyo qaar ka mid ah Shacabka Raaca Mootooyinkaasi.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 11:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada