daajis.com:- Madaxda Madasha Qaran ee dalka ayaa isla meel dhigay lacagta laga rabo musharixiinta u tartameysa xilalka labada aqal
ee Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo aana hore wax lacag ah looga qaadi jirin musharaxiinta.
Aqalka Sare xildhibaanada u tartamaya ayaa mid kasta laga rabaa inuu bixiyo lacag dhan $10,000, halka Musharaxa xildhibaanka Aqalka hoose laga doonayo lacag diiwaangelin ah oo gaareysa $5,000.
Dhaqaalaha kasoo xaroon doona musharaxiinta xilalkan ayaa noqon doonta mid fara badan, haddii kaliya la qorsheeyo in Aqalka sare iyo Kan hoose ee Baarlamaanadan kursi waliba isu sharxaan 3 mudane, waxay lacagta guud noqon doontaa:
Lacagta Aqalka Sare 56 x 3 x 10,000 = 1,680,000
Lacagta Aqalka Hoose 275 x 3 x 5,000 = 4,125,000
Labada Aqal marka la isku daro dhaqaalaha ka soo ururaya waxay gaareysaa $5,805,000. Waana lacag ku dhow lix milyan oo doolar.
Waxaa harsan lacagta diiwaangelinta musharaxiinta jagada Madaxweynaha oo lagu wado in markan ay noqdaan kuwa ugu tirada badan.
Lama oga cidda dhaqaalahan maamuli doonta, waxaana hor u dhacday in dhaqaale laga qaaday musharixiinta jagada madaxweynaha la sheegay in loo adeegsaday xafladii doorashada iyo caleemo saarka.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 09:30 and have
, Published at