daajis.com:- Dowladda Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah ku dhawaaqday in ay joojisay dhammaan diyaaradihii khaadka Soomaaliya gayn jirray ee Kenya.
Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada ee Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jangali ayaa sheegay in laga billaabo barri oo Talaado ah oo bisha September ay tahay 6 la joojiyey diyaaradii khaadka keeni jiray Soomaaliya oo dhan.
Wuxuu sheegay in daruufo jira awgood loo joojiyey balse ay dib ka faah faafin doonaan sababta loo joojiyey khaadka balse ay si ku meel gaar ah u joojiyeen duulimaadyada khaadka ka yimaada Kenya.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 00:30 and have
, Published at