Akhri Shaxda: Tirada Guud ahaan Xubnaha B/daarood ee Aqalka Sare iyo Awooda ay…..

Akhri Shaxda: Tirada Guud ahaan Xubnaha B/daarood ee Aqalka Sare iyo Awooda ay…..

daajis.com:- Muuqaalka Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa si weyn u soo shaac baxay, kadib markii saddex maamul goboleed ay doorteen xubnaha uga mid noqonaya Aqalkan oo ku cusub Soomaaliya.

Dhismaha aqalka sare ee Baarlamaanka ayaa lagu saleeyay maamul goboleedyada dalka ka jira oo la siiyay min 8 xubnood iyo maamulada Somaliland iyo Puntland oo min 11 xubnood loo qoondeeyay.

Beesha Daarood oo horeba u waday ololaha Aqalka Sare, ayaa hadda inay soo shaac baxday inay u badsatay, kana faa’iideysatay xaalado dhowr ah oo is biirsaday, waxayna Aqalka sare ee Baarlamaanka cusub 2016 ayaa ka heleshay xubnaha soo socda.
Tani waxay ka dhigan tahay in Beesha Daarood ay 35% iyadu yeelan doonto xubnaha guud ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ay ka badan tahay beel kasta oo Soomaaliyeed tiro dhan 7 ilaa 8 xubnood xubnood.
Dhismaha Aqalkan sare oo ay ka maqan yihiin guud ahaan Beesha Shanaad, iyo dadka degan Muqdisho, ayna diidan yihiin odayaasha iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland, wuxuu noqonayaa Aqal miisaankiisa dhinac u janjeero oo Soomaali badan u arkaan mid aan ku habooneyn Soomaaliya.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada