daajis.com:- Wasiirka Warfaafinta Itoobiya Getachew Reda oo saxaafada caalamka shir jaraaid ugu qabtay xafiiskiisa ayaa ka hadlay arimo ay kamid yihiin xaalada deg daga ah ee lagu soo rogay dalka Itoobiya,dad loo xidhay rabshadihii ka dhacay Oromiya iyo kililka Amaxaarada,ka bixitaanka ciidamada Itoobiya ee AMISOM,isku shaandhayn lagu sameyn doono xukumada Itoobiya iyo qaar kale oo badan.
Wasiirka waxaa la weydiiyay in ka bixitaanka ciidamada Itoobiya ee Somalia ay xidhiidh la leedahay xasadaradaha kajira dalka Itoobiya iyo sababta ay wakhti fiican ugu wargelin waayeen dowlada Somalia.Wasiirku wuxuu xusay in ciidamada soo baxay ay yihiin kuwa aan ka tirsanayn AMISOM balse Somalia ujoogay inay caawiyaan ciidamada kale ee Itoobiya ee kamidka ah AMISOM.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 18:48 and have
, Published at