daajis.com:- Maamulka Galmudug ayaa maanta Magaalada Gaalkacyo ku soo bandhigay Sadex Maxaabiis ah oo ay sheegeen inay ku qabteen Dagaalkii Shalay ka dhacay Magaalada Gaalkacyo, Waxayna sheegtay inay ka tirsanaayeen Ciidamada Maamulka Jubbaland ayna ka barbar dagaalamayeen Maamulka Puntland.
Mid ka mid ah Maxaabiista ay Galmudug soo bandhigtay ayaa sheegay in loo sheegay inay la dagaalamayaan Al-Shabaab, Wuxuuna intaa ku daray in markii la keenay Gaalkacyo la geeyey Furumaha Dagaalka Gaalkacyo, halkaas oo markii dambe laga soo qabtay.
Si kastaba Dagaalka magaalada Gaalkacyo ayaa u Muuqda mid ay Labada maamul u Yeelayaan Weji kale, Iyadoona Wararkoodu ay u Muuqdaan kuwa la isugu Jawaabayo, “Waxaa la is dhaafsaday Al-shabaab ayaa dagalaamaysa iyo Daacish ayaa dalaagamaysa, Hadana Ciidamo dhar loo xidhay oo la yidhi waa NISA iyo Jubaland oo Labada dhinac kala Qabsadeen, Waxayana Xaaladu u Muuqataa Weerar iyo Weerar Celis.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 17:30 and have
, Published at