daajis.com:- Mid ka mida isimada Puntland ayaa si kulul ugu eedeeyay dagaalada ka socda magaalada Gaalkacyo unuu ka danbeeyo madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas, Wuxuuna sheegay inuu yahay Qorshe uu Doonayo inuu isaga Jeedo Beelaha Puntland ee ku kacsan maamulkaasi, uuna doonayo inuu ka Madhiyo Wiilasha iyo Hubka ay Haystaan.
Suldaan C/casiis Maxamuud Afgaduud oo ka mid ah Waxgaradka isimada Puntland ayaa sheegay inuu ka xun yahay dirirta Magaalada Gaalkacyo, isagoo meesha ka saaray in dagaalku yahay mid qabiil, Wuxuuna sidoo kale xusay inaan Dawlada dhexe ee Soomaaliya wax Shaqo ah ku lahayn, Maantana Xasan sheekh uu ugu Jilicsan yahay oo Cid kasta oo Cod ka Rabo.
Wuxuu ku eedeeyay Dagaalka Magaalada Gaalkacyo inuu wado Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo dano gaara ah ka leeyahay sida uu hadalka u dhigay, Isagoona soo Bandhigay Kuwa ugu Muhiimsan.
Maalmihii lasoo dhaafay ayaa magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, Dagaalo u dhexeeya maamulada Galmudug iyo Puntland kuwaasi oo dadkii magaalada ku Noolaa ku Kalifay inay ka Barakacaan.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK._____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 21:30 and have
, Published at