daajis.com:- Afhayeenka Ururka Al-shabaab Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa ka hadlay Weerarkii Ismiidaamin ee Shalay lagu qaaday Saldhiga Ciidamada Jabuuti ee Magaalada Beledweyne, isagoona Hanjabaad u soo saaray.
Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay inay Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti ay Qasaaro xoogan ku gaarsiiyeen Qaraxii Ismiidaamin ee Shalay ka dhacay Magaalada Beledweyne, ayna Saraakiil uga dileen.
Cali Dheere ayaa ku eedeeyey Ciidamada Jabuuti inay Dhaqan Xumo kawadaan Gobolka Hiiraan isagoona ugu hanjabay inay weeraro Xoogan ku qaadin doonaan, haddii aysan isaga bixin Gobolka Hiiraan sida uu yiri.
Xaafada Howl-wadaag ee Magaalada Beledweyne ayaa shalay waxa ka dhacay Weerar Ismiidaamin ah oo loo adeegsaday Gawaari nuuca Xumuulka Kaas oo lala eegtay Saldhig Ciidamada AMISOM ku leeyihiin halkaas, waxana ka dhashay Qasaaaro Dhimsho iyo dhaawac ah.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK._____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 19:30 and have
, Published at