Dowlada Federaalka oo Amartay in la Xiro Safaaradda Soomaaliya ee dalka Yeman

Dowlada Federaalka oo Amartay in la Xiro Safaaradda Soomaaliya ee dalka Yeman

daajis.com:- Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Yemen Cusmaan Axmed Maxamed ayaa warbaahinta u sheegay in Warqad kaga timid Wasaarada Arimaha Dibadda ee Soomaaliya, taas oo lagu amray in mudo bil gudaheed ah lagu soo xiro Safaarada Soomaaliya ee magaalada Sanca.

Waxana uu sheegay safiirka in warqada kaga timid wasaarada arimaha dibadda ee Soomaaliya in aan lagu cadeyn sababta ka dambeysa in la xiro Safaarada.


Sii haya Safiirka Soomaaliya ee dalka Yemen ayaa tilmaamay in safaaradda ay shaqo badan u heysay Soomaalida kunool dalkaasi Yeman, mar wax laga waydiiyay sababta Dowlada Soomaaliya u xireyso safaaradda Yeman ayuu sheegay inuu u maleenayo in ay tahay go’aan dowlada ku taageereyso Dowlada sharciga ah ee fadhigeedu yahay magaalada Cadan.
Dowlada Soomaaliya ayaa maalmo ka hor cambaareesay weerar gantaal ah ay kooxda Xuutiyiinta ku rideen magaalada Barakeysan ee Makka, waxa ayna Dowlada Soomaaliya horey u taageertay ciidamada Xulufada ee uu Hogaaminayo dalka Sacuudiga.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:49 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada