daajis.com:- Shillin ka sameysan dahab kaasoo la isticmaali jiray qarnigii 18aad isla markaana maanta marka la qiimeeyey dahabka uu ka sameysan yahay uu qiimo ahaan gaarayo 250 kun oo ginni ayaa waxaa laga helay qaanad yar oo uu lacagta ku uruursan jiray una gaar ahaa cunug aad u dhallinyar.
Lama shaacin magaca rasmiga ah ee cunugaan, laakiin shillinkaani waxaa qiimihiisa lagu sheegay inuu yahay shan shillin waxaana magaca lacagtaan loo garanayaa Queen Anne Vigo Five, wiilkaan oo afar sanno jir ah ayaana sheegay inuu shillinkaan siiyey awoowgiis.
Si kastaba ha ahaatee, isagoo aan waxba ka ogeyn qiimaha uu maanta joogo shillinkaan dahabka ka sameysan ayuu hadana xafiday wuxuuna geliyey qaanad yar oo inta badan uu ku xareeyo waxyaabaha uu ku ciyaaro. Halkaas ayaana laga soo bixiyey dhowaan iyadoo ay qoyska oo dhan rumeysan waayeen qiimaha uu joogo maanta shillinkaani.
Sababtii ka dambeysay in wiilkaan aan la magac dhabin uu gacanta kusoo dhigo shillinkaan dahabka ah isla markaana maanta qiimaha sarre jooga ayaa sidoo kale saxaafadda lala wadaagay.
Markii uu awoowgiis qurbaxayey ayuu wiilkaan usoo bixiyey shillinkaan wuxuuna u siiyey si uu ugu ciyaaro. Laakiin khubaro ayaa markii lasoo saaray ka dib waxay daaha ka qaadeen inuu shillinkaani ka mid ahaa keliya 20 shillin oo dahab ah oo ay sameysay boqoraddii lagu magacaabi jiray Vigo Bay sannadkii 1702dii. Taasi waxay ka dhigan tahay inuu shillinkaani sameysay yahay in ka badan 300 oo sanno.
Bisha soo aadan ayaa haatan la xaraashi doonaa shillinkaas waxaana uu haatan suuqyada Britain ku yaallaa adduun lacageed dhan 250 kun oo ginni.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 07:00 and have
, Published at