Madaxweynaha Cusub ee Hirshabeele oo Maanta Xilkii ka Qaaday Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan (VIDEO)

Madaxweynaha Cusub ee Hirshabeele oo Maanta Xilkii ka Qaaday Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan (VIDEO)

daajis.com:-  Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeele ayaa sheegaya in wareegto maanta kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Hir-shabeelle Cali Cabdulaahi cosoble, xilkii looga qaaday Gudoomiyiha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Daba-geed) iyadoo isla maantana uu magacaabay Gudoomiye Cusub.

Wareegtadan ayaa waxaa lagu magacaabay Cali Jeyte Cismaan inuu noqdo Guddoomiyaha Cusub ee Maamulka Gobolka Hiiraan ee Hir-shabeelle.

Madaxweyne Cali Cabdulaahi Cosoble oo shir jaraaid ku qabtay xarunta maamulka ee magaalada Jowhar, ayaa waxa uu ku sheegay in maadaama xaalad adag oo dhinaca amniga ah lagu jiro loo baahan yahay in wax laga qabto ammaanka maamul goboleedka Hirshabeelle isagoo magacaabay guddi nabadgelyo oo ka shaqeeya arrimaha amaanka gobolka Hiiraan.

Halkan Hoose: Magacyada guddigan ayaa waxay kala yihiin:-

S/guuto Cumar Aadan Dhabad.
G/Sare Tawane Axmed Muxumad.
G/sare Isaaq Cali Cabdulle.
G/sare Isaaq Cismaan Idiris.
G/sare Axmed Cabdi Weheliye.
G/dhexe Cali Cabdi Mahadalle.
Dhamme Xasan Maxamed Ibraahim.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada