daajis.com:- Madaxweynaha maaamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta Kasoo degay magaalada Boosaaso, Wuxuuna ka hadlay dagaalka Gobolka Mudug, Isagoo sheegay in gaalkacyo lagu soo Duulay Aan looga soo Duulin Cadaado.
“Gaalkacyo waxaa laga wadaa dagaalo, dagaalkaas aan aheyn mid laga soo abaabulay cadaado, meeshaa dalka Lagaga soo duulayo waa Xamar, waxa ku soo duulaya oo shidada wadana waa Dawladda Federaalka Soomaaliya” Ayuu yiri Gaas.
”Doorashooyin baa laga hadlayaa iyo in dawlad la dhiso, isbadal dowladnimana yimaado, dabcan cadow duulaan kugu ah hadde si wax loola dhisanayo oo dawladd loola wadaagayo garan maayo runtii ” ayuu hadalkiisa sii Raaciyey C.wali Gaas.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 00:09 and have
, Published at