daajis.com:- Ciidamada Itoobiya ayaa isaga baxay Deegaano ka tirsan Gobolada Galgaduud, Hiiraan iyo Bakool, iyadoona ay Dib u qabsadeen Ciidanka Al-shabaab, waxayna Itoobiya ku dooday in Ciidamada ay la baxday ayna ka tirsanayn AMISOM balse ay ahaayeen ciidamo kale oo dheeraad ah. ?
Badel Jaamac oo horay uga tirsanaa Saraakiishii Ciidanka Xooga dalka Soomaaliya, ayaa wuxuu sheegay in Meesha ay ka baxaan Ciidanka Itoobiya lagu dilo Odoyaasha, Islamarkaana aysan Jirin waxaan dhibaato ahayn oo AMISOM ugaysatay Soomaaliya.
Aqoonyahan Muumin Giriig ayaa sheegay in ku dhowaad 10-sano oo AMISOM joogto Somalia aysan Jirin wax ay qabteen “Xagee ayay wax ka qabteen oo Nabad ah, Meel ayay Fadhiyaan oo SILIG ayay ku dhex Jiraan, Soomaalida iyada ayaa laga rabaa inay Heshiisho” Ayuu yidhi.
Aadan Axmed Xirsi oo kamid ah Saraakiisha Ciidanka ayaa wuxuu sheegay in madaxda Dawladu aysan Diyaar u ahayn inay dhisaan Ciidanka, Wuxuuna sheegay inay Ciidanku ku dhex milmeen Qabiilka, “Dawladaha kale danahooda ayay u Joogaan, 1991-kii Markii qaranka Soomaaliyeed la bur-buriyey Sidii ciidanka Qabiilada loogu dhiibay weli sidiis gacantooda ugu Jiraan.” Ayuu yidhi.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 04:08 and have
, Published at