Sacuudiga iyo Xulufadiisa oo Lagu Eedeeyay Inay Duqeeyeen Xabsi ku yaal Dalka Yemen (VIDEO)

Sacuudiga iyo Xulufadiisa oo Lagu Eedeeyay Inay Duqeeyeen Xabsi ku yaal Dalka Yemen (VIDEO)

daajis.com:- Diyaaradaha xulufada ee uu hogaamiyo Sacuudiga ayaa duqeyn dhanka cirka ah waxa ay u gaysteen sida la soo sheegayo xabsi ku yaalo Magaalada Xudayda ee ku taalo Galbeedka dalka Yemen.

Wararka ayaa intaa ku daraya in goobaha la duqeeyay ay ahaayeen goobo ay ku noolyihiin dad Shacab ah iyo goobo ay xabsi ku meel gaar ah ka dhigteen Xoogaga Xuutiyiinta.


Warbaahinta dalka Yemen ayaa shegaya in weeraradaasi ay ku geeriyoodeen dad gaaraya 10 ruux, kuwaasi oo ku jiray dhismaha Duqeynta ay la haleeleen Xulufada Sacuudiga uu hogaamiyo.

Magaalada Xudeyda ayaa ah magaalo ay ku xoogan yihiin gacantana ay ku hayaan falaagada Xuutiyiinta oo dagaal kula jiray dowladda sharciga ah ee dalka Yemen.

Jabhadda Xutiyiinta oo u badan dad haysta diinta Shiicada ayaa waxa ay taageero xoogani ka helaan dalka Iran.

Dowladda Iran ayaa doonaysa inay dalka Sacuudiga ku furto buuq iyo dagaalo, iyadoo labada dal uu ka dhaxeeyo xurguf siyaasadeed, waana sababta ay dawladda Sacuudiga u bilaawday dagaalka ka dhanka ah Jabhada Xutiyiinta.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada