daajis.com:- Laba Haween Soomaali-Mareykan ah ayaa Maxkamad ku xukmisay ineey dambiilayaal yihiin, kadib markii lagu helay ineey lacag u dirayeen ururka al-shabaab.
Labadaan Haween ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Muna Osman jama, oo ah 36 jir iyo Hinda Osman Dhiranae, oo ah 46 sano jir.
Maxkamad Federaali ah oo ku taal Gobolka Virginia, ayaa labadaan Haween ee Soomaalida ah ku heshay dambiga ineey argagixiso lacago u dirayeen, sidoo kale waxaa lagu soo oogay dambi ah ineey khadka Taleefanka ku abaabuleen koox Haween ah oo gaarayay ilaa 15 , kuwaasoo iyagana lacago u aruurinayay kooxda al-shabaab.
Labadaan Haween ayaa waxaa la xiray Bishii July sanadkii 2014, waxaana xukunka ugu dambeeya lagu wadaa in Maxkamada ku rido Bisha Janaayo sanadka soo socda 2017.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 23:30 and have
, Published at