daajis.com:- Magaalada QANDALA ee Gobolka Bari oo Dhowaan ay Qabsadeen Ciidamo ka tirsan Kooxda Daacish ayaa maanta Maraakiibta dagaalku ay la beegsadeen Duqayn Dhinaca Badda uga Timid.
Dadka tirada yar ee weli ku nool degmada Qandala ayaa sheegay inay halkaasi ay ka dhacday duqeyn ay geysteen maraakiib shisheeye oo ku soo dhawaaday degamada dhinaca badda, sii socda dadka ka qaxaya magaalada ee soo gaaraya meelaha ka baxsan.
Sadex Haween ah oo kamid ah dadkii ka Baxsaday Qandala ayaa la sheegay inay ku Umuleen (Dhaleen) Banaanka magaalada, Waxaana sidoo kale socda Kulamo ku aadan sidii gurmad loogu Fidin lahaa dadka ka Barakacay Qandala,
Hadaba Wariyaha Idaacada VOA Sahra Ciidle Nuur ayaa wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda Qandala Waxay ka wareysatay Wariyaha VOA ee Boosaaso Faadumo Yaasiin Jaamac.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 23:00 and have
, Published at