daajis.com:- Gabar soomaaliyeed oo lagu magacaabo Xaliimo Aadan oo 19-jir ah ayaa markii u horeysay taariikh cusub ka dhigtay dalka Maraykanka, iyadoo ka qaybgashay tartanka Hablaha ugu qurxoon ee gobolkeeda
Xaliimo Aadan oo ka soo jeedda magaalada St-Cloud ee gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka, ayaa markii ugu horreysay tartan loo qabtay gabdho badan oo cadaan ah uga qayb gashay Dharka dumarka muslinka ah ay ku dabaashaan ee loo yaqaan Burkiiniga.
Gabadhani Soomaaliyeed ayaa taariikh cusub dalkaasi Mareykanka ka dhigay, kaddib markii ay noqotay haweeneydii ugu horeysay oo xijaab kaga qeyb gashay tartanka quruxda gabdhaha ee dalkaasi.
Xaliimo ayaa usoo gudubtay wareegga semifinalka ee tartanka quruxda gabdhaha, waxaana ay kasoo dhex baxday 44 gabdhood oo la tartamayay.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 23:00 and have
, Published at