daajis.com:- Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-moon ayaa waxa uu soo dhaweeyay dhaarinta Xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya,taasi oo qabsoontay 27-kii Bishan desenber ee sanadkan 2016-ka.
Ban Ki-moon ayaa Xildhibaanada cusube ee Soomaaliya ka dalbaday in ay xoogga saaraan dhameystirka dowladda cusub ee Soomaaliya oo ay ugu horeyso, sameynta Dastuur rasmi ah oo looga baxayo kan kumeelgaarka ah, doorashada Madaxweyne cusub,dhameystirka xildhibaannada ka dhiman labada Aqal iyada oo la ilaalinayo kootada Haweenka iyo inay ka hortagaan eedaha la xiriira wax isdaba marinta.
Waxana uu sheegay in fal dambiyeed kasta oo ay soo wariyaan Guddiga doorashada heer Gobol iyo mid Federaal ee Soomaaliya ay Adduunyada si gaar ah u fiirineyso waxa ka socda Soomaaliya.
Dib u dhacyada ku yimid doorashada Soomaaliya ayuu sheegay inay niyad jabkeeda leedahay, waxaana uu rajo ka muujiyay Baarlamaanka cusub ee la dhaariyay in ay wax badan ka qaban doonaan dhismaha dowladnimada Soomaaliya.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 03:30 and have
, Published at