Bayle oo ka Hadlay Qaxootiga Soomaalida ee Laga soo Celinayo Dalalka Yurub & Somalia/ Somaliland (VIDEO)

Bayle oo ka Hadlay Qaxootiga Soomaalida ee Laga soo Celinayo Dalalka Yurub & Somalia/ Somaliland (VIDEO)

daajis.com:- Xildhibaan Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo soo noqday Wasiirkii Hore ee Wasaarada arimaha dibada ee dalka Soomaaliya, hadana ka mid ah xildhibaanada cusub ee baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya ayaa ka hadlay dadka Soomaaliyeed ee la sheegay in laga soo celinayo dalalka ku yaala qaarada Yurub.

Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ee gaaray qaaradda Yurub inay mareen dhibaatooyin aad u farabadan si ay u gaaraan dalalkaasi, islamarkaana sharciga Caalamiga ah uusan qabin in lasoo celiyo.


Bayle ayaa sheegay in dadkaasi hadii lasoo celinaayo inay muhiim tahay in ay helaan xuquuqda ay ku leeyihiin hay’adda Qaramada Midoobey.

Waxaana uu sidoo kale sheegay in ay tahay wax laga xumaado in dalalka Yurub qaarkood ay ku hanjabaan in ay soo celinayaan qaxootiga Soomaaliyeed, kuna baaqay in dalalkaasi ilaaliyaan shuruucda Caalamiga ah ee Qaxootiga.

Bilihii u danbeeyay ayaa waxaa soo baxayay in magaalada Muqdisho lagu soo celiyay dad qaxooti ahaan u joogay qaaradda Yururb ku waas oo badankood ah dad sharciga loo diiday, waxaana jira warar hoose oo sheegaya in Madax ka tirsan hay’adda Socdaalka Soomaaliya ay lacag ku qaateen in dadkaasi la soo celiyo.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:33 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada