daajis.com:- Waxaa isi soo taraya tuhunno muujinaya in dilkii habeenkii Jimcaha ka dhacay magaalada Stockholm ee dalka Sweden ee loo geystay labo wiil oo walaalo ah ay ka danbeeyaan kooxo dhalinyaro oo isla Soomaali ah oo uu horey dagaal uga dhex qarxay.
Dilka wiilashan ayaa ka dhacay maqaayad yar oo shaaha laga cabo oo ku taala xaafadda Ajaanibtu iyo Soomaalida ku badan tahay ee Rinkeby oo ku taala banaanka magaalada Stockholm.
Ragii dilka geystay ayaa la sheegayaa inay ku hubeysnaayeen qoryaha darandooriga u dhaca iyo weliba Bistoolad sida warbaahintu sheegayso, waxaana ay rasaas ku fureen dadkii meesha fadhiyey, halkaas oo labada wiil isla markiiba ku geeriyoodeen.
Booliska ayaa wada baaritaan weyn oo lagu baadigoobayo ragii dilka ka danbeeyey, waxaana la sheegayaa in ay ahaayeen laba ilaa afar nin oo da’oodu u dhaxayso 20-25 jiro, waxaana ay goobta kaga baxsadeen gaari caddaan ah sida Boolisku sheegeen.
Qaar kamid ah warbaahinta dalka Sweden ayaa sheegaysa in ay dhici karto in falkani la xiriiro kooxo iska soo horjeedo oo horey qilkaaf ugu dhexmaray isla xaafadda ay Soomaalida ku badantahay ee Rinkeby.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 23:30 and have
, Published at