Booliska Jarmalka oo soo Bandhigay Sawirrada Nin lagu Tuhmayo Inuu ka Danbeeyo Weerarkii Barlin (VIDEO)

Booliska Jarmalka oo soo Bandhigay Sawirrada Nin lagu Tuhmayo Inuu ka Danbeeyo Weerarkii Barlin (VIDEO)

daajis.com:- Ciidamada Booliska ee dalka Germany ayaa soo bandhigay magaca iyo sawirrada nin lagu tuhmayo inuu ka dambeeyey weerar loo adeegsaday gaari xamuul ah oo dad shacab ah la jiirsiiyey oo laguna weeraray.

Ugu yaraan 12 qof ayaa ku dhimatay weerarkaasi iyadoo dad kor u dhaafaya 49 ruux oo kalena ay ku dhaawacmeen weerarkan oo ay masuuliyadiisa sheegatay kooxda Daacish oo ka dagaalanta dalalka Suuriya iyo Ciraaq.


Hadal ka soo baxay Booliska Jarmalka ayaa lagu sheegay inay Dokumenti uu ku qoran yahay magaca ninka laga shakisan yahay oo ah Anis A. ay ka heleen kursiga darawalka ee gaarigii lagu fuliyey weerarka.

Saraakiisha Booliska ayaa sheegay iney horey u garanayeen ninkaasi oo 24-jir ah, kana soo jeeda dalka Tunisia, waxayna ka digeen inuu hubeysan yahay ayna ka dhici karto inuu weeraro kale geysto.

Wargeyska Der Spiegel ayaa qoray in ninka la baadi-goobayo uu isticmaalo labo magac oo kala ah Anis A iyo Ahmed A, wuxuuna wargeysku intaa ku daray in Ninkan baxsadka ku jira uu haysto kaar uu ku joogi karo Jarmalka bishii April ee sanadkii la soo dhaafay, ayna hay’addaha Ammaanka dalkaas dusha kala socdeen dhaqdhaaqiisa.

Booliska ayaa weli baadi goobaya ninkan baxsadka ah, iyagoo baaritaano ku sameeyey hoygiisa, waxayna dadka ka codsadeen in qofkii arkaa uu soo wargeliyo Booliska.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada