daajis.com:- Ciidamada dowlada Siiriya ayaa si buuxda ula wareegay magaalada labaad ee ugu weyn dalka Siiriya ee Xalab kadib lix sano oo ay ku dagaalamayeen ciidamo daacad u ah Madaxweyne Assad iyo maleeshiyaadka kooxaha mucaaradka.
Kooxdii ugu dambeysay oo isugu jirtey dagaalyhano ka tirsan mucaaradka iyo dad rayid ah ayaa khamiistii laga saaray magaalada Xalab oo labo dhinac u kala qeybsanayd lixdii sano ee la soo dhaafay.
Taleefishinka dowlada Siiriya ayaa laga daawaday rasaas cirka loo ridayo iyo dabaaldagyo ka socda Galbeedka Xalab iyadoo laga arki karay askar xiran dareeska ciidamada iyo dad rayid ah oo sita boorar lagu taageerayo Madaxweyne Assad.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 19:30 and have
, Published at