daajis.com:- Shaqsi kasta wuxuu jecel yahay inuu ku seexdo sariirta ugu nadaafadda badan adduunka, laakiin xaqiiqadu waxay tahay inay sariirtaadu ka wasakh iyo cudur badan tahay sida aad qiyaaseyso.
Fangaska, bakteeriyo, ciid, dhareer, dhecaanka dumarka ka yimaada iyo waxyaabo dhaawac u geysan kara jirkaaga ayaa saran sariirtaada dusheeda, waxayna dhibaato ku reebaan maqaarka noolaha. 10 Gran oo ka mid ah makhaarkaaga ayaadna maalin kasta uga soo tageysaa sariirtaada haddii aadan gaarsiin heer nadaafadeedka lagaaga baahan yahay.
Wadar ahaan shaqsi kasta wuxuu sannadkii soo saaraa 100 litres oo dhidid ah. Inta badan dhididkaas waxay bani-aadamku kaga soo tagaan sariirtooda. Taasi waxay la micno tahay inay sariirtaadu kuu keydiso bekteeriya, taasoo sababi karta inaad qaaddo cudurrada naafeeya lugaha.
Sidaas darteed, Dr Lisa Ackerley oo ah Hygiene Doctor And Dettol Expert ayaa wuxuu wareysi gaar ah siiyey wargeyska Daily Mail, wuxuuna kala hadlay inta jeer ee uu shaqsi kasta u baahan yahay inuu dhaqo firaashkiisa sariirta si uu meesha uga saaro inuu cudur wajaho.
Si gaar ah waxaa bekteeriyadaan isugu gudbin kara lammaanaha haddii midkood uu qabo cudur maqaarka ah maadaama ay hal sariir wadaagayaan, iyadoo cudurkaan la isku marsiinayo firaashka sariirta ee aan inta badan la bedelin.
Dr Ackerley ayaa daaha ka qaaday inay qoysasku u baahan yihiin inay si joogto ah u dhaqaan firaashka sariirahooda seddax maalin oo kale. Halka sariirta oo dhan loo baahan yahay inay dhaqaan hal jeer Isbuucii. Ama ugu yaraan hal jeer laba Isbuuc oo kasta.
BADANAA IMISA JEER AYAAD DHAQDAA FIRAASHKA SARIIRTAADA? Hal Jeer Isbuucii, Hal Heer Labadii Isbuucba, Hal Jeer Bishii, Hal Jeer Sannadkii, Imisa Jeer Ayaad Dhaqdaa? Nala Wadaag Aragtidaada.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 06:00 and have
, Published at