daajis.com:- C.xakiim Cumar Camey oo Madaxwayne ku xigeen ugu magacaaban maamulka Puntland ayaa kusoo laabtay magaalada Garoowe, wuxuu iska difaacay Eedayn uga imaanaya Siyaasiinta Puntland iyo Xildhibaano Mooshin Ka diyaariyey, Kuwaasi oo kasoo horjeeda saxiixii warqad ay soo wada saareen Ra`iisulwasaare kuxigeenka dawladda Faderaalka Maxamed Cumar Carte.
‘’Muxuu yahay sharciga ogolaanaya in Cabdikariim Guuleed aan kala hadlo arrimaha Gaalkacyo, Diidayana in aan la kulmo Maxamed Cumar Carte Qaalib, oo ah Ra’iisulwasaare kuxigeena dawadda Soomaaliya’’ ayuu yidhi Cabdixakiin Camey.
Wuxuu hadalkiisa sii raaciyey in Isaga iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka uu ka sareeyo C.wali Gaas oo keliya, Islamarkaana aysan Wixii ay dantooda u arkaan Cidna waydiin doonin, Wuxuuna Hadalkan kusoo beegmayaa iyadoo magaalada Garoowe uu ka socdo Dhaq-dhaqaaq looga soo Horjeedo.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 20:25 and have
, Published at