daajis.com:- Xildhibaan Dahir Amiin Jeesow ayaa ku guuleystay Doorashada Kursiga Aqalka Hoose ee Beesha Gaaljecel oo goor dhow ka dhacday magaalada Jowhar, iyadoo kursigan uu maalmahan ka taagnaa muran iyo khilaaf ka dhashay xulista ergooyinka.
Dahir Amiin Jeesow ayaa ka mid ahaa Xildhibaanada ugu afka dheeraa Baarlamaanka, waxaana uu mar kale difaacday kursigiisa, inkastoo uu loolan adag kala kulmay Musharax kale oo la tartamayay, kaasoo lagu magacaabo Xamza Aadan
Mr Jeesow ayaa ku guuleystay 30 cod, halka Musharaxa kale ee la tartamayay uu helay 21 cod, waxaana markii lagu dhawaaqay natiijada doorashada bilowday rasaas dabaal deg aheyd oo cirka loo ridayay.
Dahir Amiin Jeesow ayaa taageero ka helayay Ugaaska Beesha, waxaana lagu eedeeyay Ugaaska inuu meesha ka saaray Ergadii labo jilib oo ka mid ahaa Beesha Gaaljecel.
Doorashada xubnaha Aqalka Hoose ee Hirshabeelle ayaa heer gabo gabo maraya, iyadoo ay harsan yihiin illaa saddex kursi.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 02:35 and have
, Published at