daajis.com:- Safiirkii dalka Ruushka u fadhiyay magaalada Ankara ee dalka Turkiga, ayaa goor dhow oo caawa ah ayaa waxaa toogasho ku dilay nin bistoolad ku hubaysan.
Safiirka ayaa waxaa la toogtay isaga oo furaya matxaf sawirro lagu soo bandhigay ee magaalo madaxda Turkiga ee Ankara.
Muuqaal live-ah oo laga duubayay munaasabada ayaa muujinaya Mr Karlov oo jeedinaya khudbo markii ay xabadu ku bilaabatay.
Ninka hubaysan ayaa gadaal ka toogtay safiirka isagoo dhowr xabadood laabta kaga dhuftay, wuxuuna ku dhawaaqayey ereyo ay ka midyihiin magaalada Xalab ee dalka Siiriya, Booliiska ayaana markii dambe ninkaasi toogtay.
Dhowr qofood oo kale ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhaawacmeen weerarka oo yimid maalin uun kadib markii uu dhacay mudaaharaad looga soo horjeedo faragalinta Ruushka uu ku hayo dagaalka Siiriya, Sida uu sheegay TV laga leeyahay dalka Ruushka.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 04:00 and have
, Published at