Daawo: Golaha Amniga ee QM oo isku Raacay Go’aan ISRAA’IIL ay ka Seexan wayday oo lama Filaan Noqday

Daawo: Golaha Amniga ee QM oo isku Raacay Go’aan ISRAA’IIL ay ka Seexan wayday oo lama Filaan Noqday

daajis.com:- Golaha Amniga ee Qaramada Midoobeey ayaa si aqlabiyad ah ugu codeeyay qaraar ka careysiiyay Israa’iil, kaas oo ku baaqaya in la joojiyo guryaha Yuhuuda looga dhisayo Daanta Galbeed iyo Qudus, Waxayna  Codeynta dhacday ka dib markii Mareykanka uu diiday inuu u adeegsado codka qayaxan ee VETO.


Qabyo qoraalka oo ay soo diyaarisay Masar ayaa dib loo celiyay ka dib markii Donald Trump uu sidaasi codsaday,  Balse, Dalal ay ka mid yihiin, Malaysia, New Zealand, Senegal iyo Venezuela ayaa diiday oo markale gudbiyay qoraalka.

Mareykanka ayaa horey loogu garanayay inuu is hortaago in UN ay cambaareyso Israa’iil,  Sidoo kale Saraakiisha Israa’iil ayaa codeynta kadib waxay cambaareeyeen sida Mareykanka uu u dhaqmay.

Wasiirka Tamarta ee Israa’iil, Yuval Steinitz wuxuu sheegay: “Kani maahan qabyo qoraal ku saabsan deegaameynta ee waa qaraar ka dhan ah Israa’iil, waa mid ka dhan ah dadka Yahuuda, iyo dalkooda”.  “Mareykanka caawa wuxuu si fudud ku waayay saaxiibkiisa ugu weyn ee Bariga dhexe.” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump oo la dhaarindoono 20-ka bisha soo socota, ayaa bartiisa Twitter-ka ku qoray war ka dib codeynta. “Sida Qaramada Midoobey, Arrimaha way isbedeli doonaan ka dib 20-ka bisha January”. ayuu yiri Trump.

Arrinta dejinta dadka Yahuudda ah, dhulka Falastiin waa xaaladda ugu xun ee labada dhinac hadda u dhexeyso, taas oo loo arko inay caqabad ku tahay wadahadallada nabadda.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada