daajis.com:- Ilhaan Cumar oo ah gabar Soomaaliyeed oo dhawaan loo doortey aqalka Sanet-ka ee gobolka Minnesota, islamarkaasna noqotey haweeneydi ugu horeysay oo Soomaali iyo Muslim-ba ah ee sharci dajinta Mareykanka ka mid noqoto ayaa waxaa handadey Arbacadii shaley, wadihi tagsi ay ka raacdey magaaladan Washington ee caasimada dalka Mareykanka.
Ilhaan waxaa ay sheegtey in ay la kulantey Islam naceyb uu ku sameeyey wadihi tagsi ay u isticmaaleysay in hotelka ay daganeyd ay ku tagto.
Ilhaan, ayaa Aqalka Cad kaga qeyb gashay kulan ku saabsanaa inay wax ka barato sida ay gobollada u dhaqan galin karaan siyaasadaha qaar, oo ay sheegtay inay xiiso gaar ah u qabtay.
Sida ay sheegteyna, waxaa uu ku sheegey in ay ka mid tahay ISIS, wuxuuna ku dhaartey in uu xijaabka ka qaadayo.
Ilhan Cumar ayaa dalkan ku timd 12 jir, waxaana ay sheegtey in ay dhacdadan wali ka naxsantahay.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 23:30 and have
, Published at