Daawo Sawirada:- Musharaxiinta ugu cad cad xilka Madaxweynaha oo u midoobaya Xasan Sheekh, kulan ay maanta yeesheen

Daawo Sawirada:- Musharaxiinta ugu cad cad xilka Madaxweynaha oo u midoobaya Xasan Sheekh, kulan ay maanta yeesheen

daajis.com:-  Qaar ka mid ah Musharaxiinta ugu cad cad xilka Madaxweynaha ayaa maanta kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Muqdisho, iyadoo kulankan oo ahaa mid qado ah waxaa dhigay Musharax C/qaadir Cosoble Cali.

Musharaxiinta kulanka ka qeyb galay ayaa waxaa ka mid ahaa C/raxmaan C/shakuur Warsame, Maxamuud Axmed Tarsan, Jibriil Ibraahim Cabdulle iyo C/naasir Cabdulle.

Kulankan ayaa looga hadlay sidii la isaga kaashan lahaa doorashada soo socda, iyo sidii loogu midoobi lahaa in is bedel dalka ka dhaco

Musharaxiintan ayaa isku afgartay sidii loo abuuri lahaa isbaheysi ka dhan ah Madaxweyne Xasan Sheekh, si looga hortago in aanu mar kale xilka ku soo laaban

Ilo ku dhow dhow Kulankan ayaa u xaqiijiyay Jowhar.com in Musharaxiintan culus ay ku balameen kulamo kale oo lagu xoojiyo isbaheysigooda.
Isbaheysigan cusub ayaa ka duwan isbaheysiyadii horay loo arki jiray, iyadoo ay ku soo biireen musharaxiin cusub oo miisaan leh.

Musharax C/qaadir Cosoble Cali oo maalmahan ka waday magaalada Muqdisho olole ballaaran oo aan horay loo arag, ayaa kulamo la qaadanayay Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka.
Mr Cosoble ayaa lagu wadaa inuu kulamo la qaato Musharaxiinta kale ee Muqdisho ku sugan, si loo helo aragti mideysan.
Dadka falanqeeya arrimaha siyaasada ayaa sheegaya in Isbaheysi ay sameystaan Musharaxiinta ugu cad cad ay culeys ku noqon doonto Madaxweyne Xasan Sheekh.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:17 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada