daajis.com:- Wasaraadda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaliya ayaa shaacisay in Ciidamada Badda Soomaliya ay gacanta ku dhigeen markab si sharcidarro ah uga kalluumeysanayay xeebaha Soomaaliya, kaasi oo laga leeyahay dalka Giriiiga.
Wasiir ku xigeenka Wasaraadda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee dowladda Soomaaliya Siciid Jaamac Maxamed Qaalib oo maanta shir jaraaid ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in markabkaan uu kaluumaysi sharcidaro ah uu ka waday xeebaha dalka Soomaliya, Wuxuuna sheegay inay Soomaaliya ku biirtay Ururo Caalami ah.
Dhinaca kale wuxuu Digniin Adag u diray maamulada dalka, Isagoona uga digay Inay Heshiis la galaan Dawlado kale, iyada oo ayna Ogayn Dawlada Soomaaliya, Wuxuuna xusay inay u Aqoonsan doonaan Sharci daro lala dagaalami doono.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 04:00 and have
, Published at