daajis.com:- Madaxweynaha maamulka Khaatumo Dr. Cali Khaliif Galaydh, Kuxigeenkiisa iyo masuuliyiin kale oo maamulka ah ayaa Garoonka diyaaradaha kaga hortegey waftiga maamulka Khaatumo uga qaybgalay wada hadaladii magaaladda Adis ababa ugu soo dhamaaday Somaliland iyo Khaatumo.
Madaxweyne Galaydh ayaa sheegay inuu bogaadinayo ergooyinka Khaatumo shirkaasi uga qaybgalay oo uu sheegay inay hawl adag soo qabteen.
Hogaamiyaha waftiga Khaatumo uga qaybgalay shirka Adis ababa Maxamuud Sh Cumar Xasan ayaa ka hadlay natiijada wada hadalada labada dhinac.
Dhanka kale waxaa maanta magaalada Buuhoodle ka amba baxay wafti ka socda maamulka Khaatumo oo uu hogaaminayo madaxweyne kuxigeenka maamulkaasi Cabdale Cagagalule kuwaasoo la sheegay gaari doonaan wadamada Yurub iyo dalka Maraykanka halkaasoo ay kula kulmi doonaan jaaliyadaha kasoo jeedda Khaatumo ee ku dhaqan wadamadaasi.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 22:30 and have
, Published at