Daawo:- Xubnihii ka socday Maamulada Khaatumo iyo Soomaliland oo Kulmay

Daawo:- Xubnihii ka socday Maamulada Khaatumo iyo Soomaliland oo Kulmay

daajis.com:- Magaalada Adis Ababa ee xaruntra Ethiopia ahna xarunta midowga Afrika ayaa Waxaa maanta ka Furmay Wada-hadalka u dhexeeya Xubno ka socda Maamulkada khaatumo iyo Somaliland.

Waxaa maanta Kulanka ka hor ay yeesheen Wufuuda ka socotay Labada dhinac, Kulamo iyadoona ay Wada-Qadeeyeen, Sidoo kalana waxaa la filayaa inu Kulumadu ay socdaan Galabta iyo Xiliyada kale ee inagu soo aadan, Mana jiro Wax rasmiya oo kasoo baxay Kulanka dhexmaray Labada dhinac, iyadoona la filayo Marka ay soo dhamaadaan inay Warbaahinta la hadlaan.

Mamulka khatumo ayaa waxa uga qayb galaya wada-hadalka wafdi ka yimid magaalada Buuhoodle iyo Xubno kale oo Hogaamiyo Dr. Cali Ciise Cabdi oo kamid ah Siyaasiyinta ugu Caansan Soomaaliya.
Dhanka kale Xubnaha ka socda maamulka Somaliland ayaa waxaa ka mid Sacad Cali Shire oo ah wasiirka arimaha debeda, Maxamed Kaahin , Faysal Cali Waraabe C/Casiis Samaalle iyo Xubno kale, Sidoo kale waxa meesha laga saaray damaaci xubno maamulkaas la shaqaysta ee Dhulbahante ee aan cidna matalin ku doonayeen inay shirka qabtaan, Kadib markii ay meel adag iska taageen Madaxda Khaatumo.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:09 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada