daajis.com:- Haweeneyda hogaamiyaha ka ah dalka Jarmalka, Angela Merkel, ayaa sheegtay inay tahay in la mamnuuco xirashada indho shareerka.
Balse, dumarka Muslimiinta ee dalkaasi ku nool ayaa sharci ahaan loo ogol yahay inay xijaabtaan. Ayadoo ka hadlaysay shirka xisbigeeda, Mrs Merkel waxay tilmaamtay in dhaqanka Jarmalka uusan u wanaagsanaan jirin in dumarka ay si buuxda wejigooda u qariyaan.
Balse qaar ka mid ah dumarka dalkaasi ku nool ee Muslimiinta ah ayaa sidaasi sameeya marka ay xiranayaan xijaab dhameystiran oo indha shareerka uu ka mid yahay.
Sharcigan, haddii uu dhaqan galo, wuxuu dumarka ka mamnuucayaa inay indho shareer ku xirtaan goobaha shacabka, sida iskuullada, jaamacadaha iyo maxkamadaha.
Balse looma diidayo inay meelaha kale ee aan bulshada ku badneyn ay ku xirtaan.
Weriyaha BBC uga soo warama caasimadda Germany ee Berlin, wuxuu sheegayaa inay tahay markii ugu horeysay oo Angela Merkel ay jeediso hadal noocaan ah.
XIGASHO: BBC Somali
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 22:26 and have
, Published at