DEG-DEG: Weerar Goordhow ka Dhacay Gudaha Madaxtooyada iyo Sarkaal ka Tirsan Ciidanka Ilaalada oo la Dilay

DEG-DEG: Weerar Goordhow ka Dhacay Gudaha Madaxtooyada iyo Sarkaal ka Tirsan Ciidanka Ilaalada oo la Dilay

daajis.com:- Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Sarkaal ka tirsan ciidamada Ilaalada ee xarunta Madaxtooyada goor dhow lagu dhex dilay Xarunta Madaxtooyada, iyadoo laba askari oo kalana goobtaasi lagu dhaawacay.

Askari ka tirsan Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada ayaa waxaa la soo sheegayaa inuu rasaas ku furay sarkaal taliye ku xigeen ka ahaa ciidamada Ilaalada Madaxtooyada, oo naaneystiisa lagu soo koobay (Qoorgaab).

Askarigii weerarka gaystay ayaa sidoo kale dhaawacay laba askari oo kale, oo xilligii Sarkaalkaasi la dilayay la joogtay, Rasaasta lagu dilay Sarkaalkaasi ayaa laga maqlay qaybaha kala duwan ee Madaxtooyada.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo, ayaa sheegaya in goobtaasi uu ka baxsaday askarigii weerarka dilka ah gaystay.
Ciidamada Ilaalada Maddaxtooyada oo ay ku jiraan kuwa Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ayaa heegan buuxa la galiyay waxa ayna isku gadaameen xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya.

Ciidamada kale ayaa la soo sheegayaa inay baadi-goob xoogan ugu jiraan askarigii dilka gaystay, oo ilaa iyo hadda aan la’aqoon goobta uu u baxsaday.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:58 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada