daajis.com:- Ciidamada Milatariga ee dalka Liibiya ayaa sheegay iay duulaankii u danbeeyay ku qaadeen dagaalyahanada Daacish-ta ka Dagaalanta dalka Liibiya.
Magaalada Sirte oo ah xarunta ugu weyn ee ciidamada ururka Daacish ay ku leeyihiin saldhigooda ugu wayn ayaa waxa ay badankeeda u gacan gashay ciidamada dowladda iyo meelishiyo taabacsan xukuumadaasi.
Mudo ka badan 6 bilood ayaa waxaa dagaalo culusi ay ka socdaan gudaha iyo banaanka deegaanadda ku xeeran magaalo xeebeedka Sirte, balse waxaa magaalada badankeeda hadda si toos ah ula wareegay ciidamo daacad u ah dowlada Liibiya.
Taangiyo iyo Tikniko fara badan ayaa lagu jabiyay Darbiyo difaac u ahaan dagaalyahanada ururka Daacish, waxa eyna magaalada Sirte noqoneysaa halkii ugu dambeysay ee ka baxda gacanta Daacish-ka ka dagaalama dalka Liibiya.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 05:00 and have
, Published at