Madaxda Soomaalida ah ee Haysta Baasaboorka Dalka Maraykanka oo Loogu Baaqay inay ka Fogaadaan Musuq Maasuqa

Madaxda Soomaalida ah ee Haysta Baasaboorka Dalka Maraykanka oo Loogu Baaqay inay ka Fogaadaan Musuq Maasuqa

daajis.com:- Xubnaha Howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay ka go’an tahay hanaan doorasho oo sax ah oo laga hir-geliyo dalka Soomaaliya.

Qoraal kooban oo lasoo dhigay barta twitter-ka ee Howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in sharciga Mareykanka uu dhigayo in muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan meel ka baxsan dalka lagu ciqaabi karo haddii ay ku lug yeeshaan xaalado musuq maasuq baahsan.


Qoraalkan laguma bixin faah-faahin intaas dheer, hase yeeshee dowladda Mareykanka ayaa shalay qeyb ka ahayd qoraal kasoo baxay saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka oo lagu sheegay inay ka walaacsan yihiin qaar ka mid ah go’aanada kasoo baxay Hogaanka Madasha Wadatashiga Qaran ee ku saabsan hanaanka doorashooyinka Soomaaliya.


Beesha caalamka waxa ay sheegtay in go’aanka Madasha ay ku saamaxeen musharaxiin ay guddiyada doorashada laaleen codeyntooda sababo la xiriira tuhun xadgudub iyo qaladaad ay cafis buuxa siineyso qaar ka mid ah sharci darrooyinkii ugu xumaa ee ka dhex dhacay doorashooyinka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 06:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada