Madaxweynaha Romania oo ka Horyimid Inuu xilka Ra’iisulwasaarenimo u Dhaariyo Haweeney Muslim ah (VIDEO)

Madaxweynaha Romania oo ka Horyimid Inuu xilka Ra’iisulwasaarenimo u Dhaariyo Haweeney Muslim ah (VIDEO)

daajis.com:- Madaxweynaha dalka Romenia ayaa ka horyimid inuu ansixiyo Ra’iisulwasaaraha cusub ee uu xisbi Xaakimka uu soo magacaabay, haweenaydan oo ah muslim ayaa lagu waday inay noqoto haweenaydii ugu horeysay ee dalkaasi oo xilka Ra’iisul wasaaraha qabata.

Madaxweynaha dalkaasi Klaus Lohannis ayaan wax tafaasiil oo dheeraad ah ka bixn ah ka bixin sababta uu u diiday inuu ku ansixiyo Ra’iisal wasaaraha cusub ee uu soo magacaabay Isbaheysiga Garabka Bidix ee ku guuleystay doorashadii dalkaasi ka dhacday.


Haweeneyda Muslinka ah ee xilka loo diiday

Wuxuuna sheegay inuu dhinac walba ka eegay magacaabida Haweenaydan Muslimka ah, balse uu go’aansaday inuu diido, isagoo sheegay inuu markale ka codsanayo xisbigeeda inuu qof kale usoo xusho xilka Ra’iisul wasaaraha.

Hogaamiyaha Xisbiga ku guuleystay Doorashada ee (PSD) ayaan xilka Ra’iisul wasaaraha qaban karin maadaama horey loo xukumay, balse soo magacaabay haweenaydan lagu magacaabo Sevil Shhaideh oo horey xil uga soo qabatay xukuumadii hore.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada