daajis.com:- Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama ayaa ku dhawaaqay cunaqabateyn dhaqaale iyo mid diblumaasiyadeed oo uu saaray dalka Ruushka, kaas oo lagu eedeenayo inuu ka danbeeyey weeraradii Internet-ka ahaa ee lagu qaaday Xisbiga Dimuquraadiga ee Maraykanka ka hor doorashadii ka dhacday dalka Maraykanka.
Dalka Ruushka ayaa lagu eedeenayaa inuu si hoose u taageerayey Murashaxa Xisbiga Jamhuuriga ah ee Donald Trump, kaas oo markii danbe doorashada ku guuleystay.
Cunaqabateynta ayaa ah mid si gaar ah loola eeganayo ragga ku xeeran ee aadka isugu dhawyihiin madaxweyne Putin, iyo shirkadaha ganacsiga ee ay ku leeyihiin gudaha dalka Maraykanka.
Dalka Ruushka ayaa isagana dhankiisa sheegay inuu jawaab adag ka bixin doono tilaabada ay ku dhaqaaqday xukuumadda Obama.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 05:30 and have
, Published at