daajis.com:- War qoraal ah oo ka soo baxay Guddiga Madaxa Banaan ee Xalinta Khilaafaadka ayaa waxaa lagu laalay natiijada doorashada 11 kursi oo ka mid ah kuraastii doorashada xildhibaanada ee ka dhacday xarumaha shanta maamul goboleed.
Cabdulaahi Maxamed Aadan (Shaacir) oo Kismaayo lagu soo doortay ayaa kamid ah xildhibaanada kuraastooda la laalay. kursiga la laalay ayaa ahaa mid murun badan ka taagnaa.
Haddaba waa maxay muranka ka taagnaa?
Kursiga la laalay ee Gaaljecel ee yaalay Jubbaland waxaa u tarmayay Cabdulaahi Maxamed Aadan (Shaacir) oo ahaa xildhibaan 2012 – 2016, Cabdiraxiim iyo Maxamed Mukhtar oo ah Wasiirka Batroolka ee Dowlada Federaalka.
Waxaa jiray iska hor imaad shaqsiyadeed oo u dhaxeeyay Maxamed Mukhtar oo ah Wasiirka Batroolka iyo Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Jubbaland Cabdi Cali Raage, isku dhaca labada nin u dhaxeeyay ayaa ku saleysnaa arimaha shidaalka.
Mr Raagge waxaa uu ahaan jiray ninka Jubbaland u qaabilsan arimaha shidaalka ka hor inta aanu noqon Guddoomiyaha dooroshoyinka.
11 November 2016, waxaa soo shaac baxday in Raagge wax ka badalay ergadii 51 ahayd ee beesha Gaaljecel ku heshiiyeen. Taa waxay dhalisay walaac badan, 19 Novembe 2016, waxaa la qorsheeyay in la qabto doorashada kursiga, balse goobtii doorashada waxaa soo xaadiray ergadii hore iyo ergo cusub, halkaas waxaa ka dhashay buuq.
Ciidamada ammaanka Jubbland ayaa iyagoo ilaalinaya amniga iyo xasiilonida ayay kala direen ergooyinkii ku sugnaa hoolka doorashada
Ugaaska beesha Gaaljecel oo ka mid ah 135 oday dhaqameed ayaa yiri “waxaan sugaynay in 51 ergo ee ay beesha keensatay inay codeyn doonaan, saddexda musharaxna cod ku kala baxi doonaan, balse maanay dhicin.”
Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Jubbaland ayaa u shaqeyn wayday in ergadii wax ka badalo waxa uu soo saaray isla 19 November 2016 waraaq looga joojinayo Maxamed Mukhtar u tartamida kursi number HW/0094/JL. Iyadoo uu ku Maxamed Mukhtar inuu laalush siiyay ciidamada amniga taas oo keentay in maalinta doorashadii la hakiyo.
Si kasto ha ahaatee doorashadii waxaa la qabtay 23 November 2016, iyadoo Maxamed Mukhtar iyo ergadii rasmiga ahaydba aanay ka qayb galin.
12 December 2016, waxaa soo baxday in Raagge inuu ka laabtay eedayntiisii ahayd in ciidamada amniga laaluush ka qaateen Maxamed Mukhtar, isagoo ka hadlaya xaflad sagootin ah oo loogu sameeyay Kismaayo xubnaha labada aqal ee Jubaland waxa uu yiri: “Waxaan hortiina raali gelin buuxda ka bixinayaa erayo naga soo yeeray ee sheegayay in ciidanka amniga qaateen laaluush.”
Maadaama Raagge isaga laftigiisa qirtay in uu qaldamay isla markaana ergadii u codeysay 23 November 2016 kursiga aaanay ahayn ergadii saxa ahaa isla markaana si sharci daro ah loogu diiday in Maxamed Mukhtartartamo, waxaa u soo baxday Guddiga Madaxa Banaan ee Xalinta Khilaafaadka in kursigaas la’aalo.
Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Jubbaland Cabdi Cali Raagge
Maxamed Mukhtaar Wasiirka Batroolka
Maxamed Mukhtaar Wasiirka Batroolka
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 21:55 and have
, Published at