daajis.com:- Qaramada Midoobay,Midowga Africa, IGAD, Ethiopia,Italy,Sweden,The United Kingdon iyo Maraykanka ayaa walaac xoog leh ka muujiyay doorasho shalay ka dhacday magaalada Jowhar ee xarunta Hirshabeelle taasoo uu ku guuleystey Musharax hore loogaga joojiyay inuu ka qeybgalo doorashada.
Guddiga doorashooyinka dadban ayaa qoraal uu soo saaray dhowaan waxa uu ka joojiyay inay doorashada kursiga beesha Jidle ay ka qeybgalayaa Wasiirka dhalinyarada iyo isboortiga Maxamed Cabdulaahi Xasan NUUX iyo Axmed Shiikh Nuur kadib markii lagu eedeeyay in ay mas’uul ka ahaayeen fadqalalo ka dhacday gudaha xarunta doorashada iyo banaankeeda taasoo ay ku dhaawacmeen dhowr ruux.
Beesha caalamka ayaa ku tilmaantay doorashadii ka dhacday Jowhar gaar ahaan kursiga Jidle waxa uu jebinayaa sharciyada doorashada 2016, iyadoo weliba sheegtay in aysan aqoonsanayn doorashadii uu ku soo baxay wasiirka dhalinyarada iyo isboortiga dalka Soomaaliya Nuux ayna taageersan yihiin go’aanka ay ka gaareen guddiga doorashada.
“Codbixinta ka dhacday Jowhar waa mid dhibaatadeeda leh,hadii wixii kasoo baxay la oggolaado iyo arrimo kale oo khilaafku ka taagan yahay waxa ay wax u dhimayaan xalaal ahaanshaha doorashada oo dhan.” ayuu yiri ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Micheal Keating, Wuxuuna sheegay in qof walba oo isku daya inuu ku xadgudbo sharciyada doorashooyinka oo ay guddiga doorashooyinka ogaadaan waa in loo qabtaa xadgudubka ay ku kaceen.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 04:00 and have
, Published at