daajis.com:- Muran Xoogan ayaa ka taagan Tirada Aqalka sare ee Xubnaha ka imaanaya Gobolada Waqooyi ee Soomaaliya, Iyadoo maanta ay dib u dhacday Doorashadoodu, kaddib markii Guddiga Federaalka ee doorashooyinka dadban uu ku dhawaaqay in cida go’aamin karta waqtiga doorashada ay iyaga yihiin, sidaas darteed aanay jirin wax doorasho ah.
Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa maalmo ka hor shaaciyay in doorashada xubnaha Aqalka sare ee Somaliland ay dhaceyso 24-ka bishan oo ku beegan maanta oo Sabti ah, Labada Guddi ee heer Federaal iyo heer maamul ayaa waxaa ka dhex muuqda inay is khilaafsan yihiin, go’aanadooda ay iska soo hor-jeedaan.
Is qab qabsiga ka taagan doorashooyinka xubnaha Aqalka Sare ayaa waji kale yeeshay, iyadoo siyaasiyiin ka soo jeeda Gobolada Waqooyi oo Muqdisho ku shiray ay sheegeen in aanay ku qanci doonin, wax ka yar %33 oo u dhigma 18 xubnood.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 17:30 and have
, Published at