daajis.com:- Iyadoo sanadka 2016 uu marayo maalmahii ugu dambeeyay, hadana wargeysyka Britain laga leeyahay ee Eastern Eye ayaa soo saaray 10-ka hablood ee ugu soo jiidashada badan Asia, waxaana kasoo muuqday 9-hablood oo u dhashay dalka Hindiya.
Layaab ma lahan In Deepika Padukone ay noqoto gabadha ugu soo jiidashada badan madama ay tahay qof mar walba muuqaal qurxoon, hadana waxaa noqotay wax isweydiin mudan in 9-hablood oo Hindi ah ay kasoo muuqdaan.
Booska labaad waxaa si muran la’aan ah usoo galay Atariishada waayahaan dambe Hollywood-ka ku biyo shubatay ee Priyanka Chopra, sidoo kale Alia Bhatt, Katrina Kaif iyo Sonam Kapoor ayaa kasoo muuqday.
Marka laga soo tago atariishooyinka ugu caansan Bollywoodka sidoo kalana waxaa kasoo muuqday sadex gabdhood oo caan ka ah Hindiya kuwaas oo doorar qurux badan ka sameeyay Aflaanta Musalsalada ah waxaana laga xusi karaa Drashti Dhami oo ah gabadha hogaamiyaha ka ah Musalsalka (GEET), sidoo kalana waxaa ku jira labada gabdhood ee kala ah Nia Sharma Iyo Sanaya Irani oo qudhoodu ah Atariishooyin dhanka musalsalka ah.
Dhanka kale gabadha ugu daqliga badan Pakistan sidoo kalana ah atariisho reer Pakistan ah Mahira Khan ayaa kasoo muuqatay liiska meelaha ugu hooseeyaa.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 09:00 and have
, Published at