daajis.com:- Waxaa goor dhow lagu dhawaaqay labada nin ee ugu da’da weyn Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose, kuwaasoo noqonaya Shir-guddoonka labada Aqal.
Guddoomiyaha xilkiisa dhamaaday Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ahna Xildhibaan ka tirsan Aqalka Hoose ayaa munaasabada dhaarinta Xildhibaanada ka sheegay in wixii hada ka dambeeya shir-guddoonka ay la wareegayaan labada nin ee ugu da’da weyn ee Baarlamaanka.
Xildhibaan Cusmaan Cilmi Boqore ayaa noqday Xildhibaanka ugu da’da weyn Xildhibaanada Aqalka Hoose.
Sidoo kale Xildhibaan Maxamed Xuseen Raagge oo laga soo doortay Hirshabeelle ayaa isna noqday ninka ugu da’da weyn Xildhibaanada Aqalka sare.
Labada Xildhibaan ayaa si wada jir ah u shir-guddoomin doona labada Aqal ee Baarlamaanka, kuwaasoo soo magacaabi doona Guddiga doorashada.
Waxaa labada xildhibaan ee ugu da’da weyn wehlin doona labada xildhibaan ee ugu da’da yar labada Aqal oo lagu kala magacaabo Ikraan iyo Fartuun.
Si kastaba ha ahaatee Shir-guddoonak cusub ee Labada aqal ayaa howsha la wareegi doona, inta laga soo dooranayo Guddoonka cusub ee labada Aqal.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 22:28 and have
, Published at