Soo dhowaynta FARMAAJO oo Si wayn Looga Dareemay magaalada Muqdisho

Soo dhowaynta FARMAAJO oo Si wayn Looga Dareemay magaalada Muqdisho

daajis.com:- Abaabulkii ugu ballaarnaa oo lagu soo dhoweynayo Musharax Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka bilowday magaalada Muqdisho, maalin ka hor imaanshihiisa, iyadoo taageerayaashiisana ay bilaabeen dhoolatus aanay horay u sameyn Musharaxiinta kale.

Guddiga qaabilsan soo dhoweynta iyo Ololaha Musharax Farmaajo ayaa shalay ka bilaabay Muqdisho isu soo bax loogu diyaar garoobayo soo dhoweyntiisa, waxaana gawaari lagu xiray cod baahiyeyaal, kana daarnaa heeso wadani ah, laguna shaacinayay xilliga uu Muqdisho imaanayo.

Musharax Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu soo gaaro maalinta Talaadada oo ku beegan maalinta berri, waxaana si aad ah Muqdisho looga dareemay dhaq dhaqaaqyada iyo diyaar garowga ay wadaan taageerayaashiisa.

Farmaajo oo ah nin taageero badan ku leh magaalada Muqdisho ayaa la filayaa in imaanshihiisa ay magaalada oo idil ruxdo, waxaana baabuur badan lagu dhejiyay sawirkiisa, sidoo kale waddooyinka qaar ayaa markii u horeysay lagu arkay sawirka Musharax Farmaajo.
Musharax Farmaajo oo tartankii doorashada Madaxweynaha ee sanadkii 2012 ku haray wareega koowaad ayaa sanadkan 2016 ka mid ah Musharaxiinta ugu cad cad ee u taagan xilka Madaxweynaha.
Hubaal la’aan ayaa ka jirta waqtiga rasmiga ah ee ay ka dhaceyso doorashada Madaxweynaha, inkastoo horaantii bishan Madaxda Madasha Wada-tashiga Qaran ay isku afgarteen in doorashada ay dhacdo 28-ka December, hase ahaatee waxaa muuqata in waqtigaas aanay doorasho ku dhici karin, maadaama ay harsan yihiin howlo badan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:14 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada