Wadooyinka muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho oo Maanta Xiran (SAWIRRO)

Wadooyinka muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho oo Maanta Xiran (SAWIRRO)

daajis.com:- Wadooynika ugu muhiimsan ee caasimadda Muqdisho ayaa maanta ah kuwo xiran oo haawanaya, shacabka ku nool Magaalada Muqdisho ayaa ah kuwo cagtooda maalaya.

Wadada Maka Al-Mukarama, tan Sodonka iyo wadooyin kale oo ka tirsan Magaalada Muqdisho ayaa xiran, waxaana wadooyinka lagu arkayaa ciidamo isugu jira Nabad Suggid, Boolis iyo Millateri.

Sababta ugu weyn ee maanta loo xiray wadooyinka Magaalada Muqdisho ayaa la xiriirta dhaarinta Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya, taasi oo ka dhaceysa Xarunta School Polizio ee Magaalada Muqdisho.

Qaar ka tirsan Shacabka magaalada Muqdisho ayaa aad uga xumaaday in wadooyinka Magaalada kuwooda ugu muhiimsan ee ay shacabka adeegsadaan in la xiro.
Waxaana jira in wadooyinka dhexmara Xaafadaha qaar ee caasimadda Muqdisho in la galiyay cagaf cagaf oo buuro ka dhisay, si aysan u soo marin gaadiidka shacabka iyo kuwa gaarka loo leeyahay, iyadoo laga cabsi qabo falal lidi ku ah dhanka ammaanka oo Muqdisho ka dhaca.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada