daajis.com:- Xildhibaanadda Somaliyeed ee Ilhaan Cumar oo dhawaan ka mid noqotay xubnaha Xildhibaannada Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, ayaa waxaa ay shalay la kulantay fal isir naceyb iyo aflagaaddo uu kula kacay Taksiile ka qaaday Magaalada Washington una waday Gobolka Minnesota oo ah meesha ay degantahay.
Muddooyinkan dambe ayaa dalka Mareykanka waxaa ku soo badanaayay naceybka loo qabo dadka Muslimka ahi, waxaana falkaasi geysanaya dadka u dhashay dalka Mareykanka oo si toos ah u muujinaayay Isir naceybka ay u qabaan dadka Muslimiinta.
Ilhaan ayaa sheegtay in darawalkii Taksiga ku waday uu ku yiri “Waxaad tahay Daacish,waxaana kaa bixinayaa Xijaabka” Sida ay ku qortay barteeda Facebook, waxaana ay intaa ku dartay inay ka degtay Taksiga kadibna barta Bulshada ku qortay hadalkan.
“Aad ayaa uga xumahay waxa uu igu sameeyay waana wax laga naxo ayey sii raacisay hadalkeeda.” Iyada oo intaa ku dartay in aysan taas ka reebeyn shaqada ay u heyso dadka reer Minnesota.
Madaxeynaha la doortay ee dalka Mareykanka Donald Trump, ayaa waxa uu ku caan baxay naceybka Muslimka iyo dadka soo galootiga ah isaga oo sheegay in uu dalka ka saarayo dadka aan ahayn Mareykanka dhaladka ah, Muslimiintana si gaar ah uga mamnuuci doono in ay galaan Mareykanka.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 13:54 and have
, Published at