daajis.com:- Madaxweynaha maamul Goboleedka Jubba Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa markii labaad ka baaqsaday shirka Madaxda Madasha Qaran ee ka socda magaalada Muqudisho.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa ka maqan shirka xasaasiga ah ee madasha oo maalintii saddexaad ka socda magaalada Muqdisho, isagoo aan cidna u soo dirsan. Wuxuuna howl maalmeedkiisa caadiga ahaa ka wataa magaalada Kismaayo.
Xogta laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegeysa in Axmed Madoobe uu qaadacay shirarka Madasha isagoo ku dooday inaysan jirin wax ku xiran isaga oo howshiisii uu soo dhameystiray, isla markaana aanu diyaar u ahayn inuu kasii qeyb galo shirar natiijo la’aan iyo is heysad joogto ah ku socda.
Axmed Madoobe ayaa maanta shir guddoomiyay shirka Golaha wasiirada maamulkiisa oo intiisa badan looga hadlay dagaalka kasocda duleedka magaalada Kismaayo ee u dhaxeeya Alshabaab iyo ciidamada Jubba, kadib markii Alshabaab ay dhaceen geel gaaraya 2500.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 20:49 and have
, Published at