daajis.com:- Magaalada Garowe waxaa ka socda qorsheyaal siyaasiyiinta beelaha Harti ku doonayaan inay kula wareegaan hogaanka dowladda cusub ee Soomaaliya.
Warar xog ogaal ah ayaa sheegaya in Puntland ay ay siyaasi caan ah u soo sharxeen jagada guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo markii ugu horeysay lagu wado in aakhirka bishan ay dhacdo.
Kulan Garowe ku dhex maray Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, C/weli Gaas, C/raxmaan Faroole iyo C/risaaq Cusmaan Xasan (Jurille) ayaa lagu go’aamiyay Prof. C/risaaq Jurille uu noqdo guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.
C/risaaq Jurille waa ruug cadaa siyaasadeed iyo nin si weyn ugu dhex milnaa dowladii hore ee Soomaaliya, waxaana magaciisa uu ku dhex jiraa fadeexado mashaariic dowladii hore ee Soomaaliya ka qaadatay Talyaaniga oo xilliyadan dambe la iloobay.
Guddoomiyenimada Beesha Daarood ee Aqalka sare ayaan weli la isku afgaran iyadoo ay socdaan ololeyaal iska horjeeda oo beesha dhexdeeda ka socda sida musharixiin u taagan xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka.
Aqalka sare ee Baarlamaanka ayaa ah Gole ku cusub awood qeybsiga dalka oo aan wax heshiis ah laga gaarin tirada guddoonka uu yeelanayo iyo sida beelaha kala duwan loogu qoondeynayo taasoo wax u dhimi doonta miisaanka awood qeybsiga beelaha 4.5 ee hore loo ogaa.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 18:36 and have
, Published at